Liverpool Oo Guul Wakhti Dambe Ah Ka Gaadhay Newcastle

0
9

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Liverpool ayaa guul wakhti dambe ah k gaadhay Newcastle kulan ka tirsanaa premier league.

Liverpool ayaa si dar-dar leh ku bilowday Xilli Ciyaareerdka waxana daqiiqadii 35-aad Gool u dhaliyay xiddiga Gravenberch kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Newcastle ayaa laga xiddiga Gordon kaas oo khalad ku galay Van dijk.

Qaybta dambe ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Hugo Ekitike kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Laakiin Newcastle ayaa daqiiqadii 57-aad dhalisay goolka waxana u dhaliyay xiddiga Guimarães kaas oo ciyaarta dib u furay.

Daqiiqadii 88 ayay Newcastle dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Osula kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Iyada oo cid Walba saadaalinaysay in ay ciyaartu ku dhamaato bar-baro ayay Liverpool dhalisay goolka 3-aad daqiiqadii 90+10-aad iyada oo ay u dhaliyay xiddiga da’yarka ah ee Ngumoha kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool gaadhay guul wakhti dambe ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here