Kulanka ugu xiisaha badan Premier League todobaadkan ayaa dhexmari doona kooxaha Man City iyo Tottenham kulan k tirsan todobaadkii 2-aad ee Xilli Ciyaareerdka.
Labada Kooxood ayaa Kulanka Soo galaya iyaga oo doonaya in ay Guulaystaan Kulankoodii 2-aad ee Xilli Ciyaareerdka.
Kulanka: Man City Vs Tottenham
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 2:30
Garoonka: Etihad Stadium
XAAQIIQOOYINKA KULANKA:
Manchester City ayaa badisay kaliya afar ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ay wajahday Tottenham Hotspur (D2 L6), inkastoo ay 1-0 ku garaacday kulankoodii ugu dambeeyay ee bishii Febraayo. Markii ugu dambeysay waxay guulo xiriir ah ka gaareen Spurs intii u dhaxeysay Diseembar 2017 iyo Abriil 2019 (4).
Spurs ayaa badisay laba ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee ay ku ciyaartay Etihad (D1 L1) Ka dib guushoodii 4-0 ee xilli ciyaareedkii hore, waxay raadinayaan guulo xiriir ah oo ay ku gaadhaan Man City markii ugu horeysay tan iyo May 2010.
Afartii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee Manchester City iyo Tottenham ku dhex maray Etihad ayaa laga soo dhaliyay 21 gool (9 ay City u dhalisay 12 Spurs), kooxda martida ah ayaa ugu yaraan laba gool dhalisay afartii kulanba. Kooxdii ugu dambeysay ee 2+ gool ka dhalisa shan kulan oo isku xigta oo horyaalka sare ah oo ay martida u tahay Man City waxay ahayd Sunderland intii u dhaxeysay 1980 ilaa 2000.
Tottenham Hotspur ayaa raadineysa inay badiso labadii kulan ee ugu horeysay ee Premier League xilli ciyaareed markii ugu horeysay tan iyo 2021-22, taasoo sidoo kale aheyd markii ugu dambeysay ee tababare uu ku guuleysto labadii kulan ee ugu horeysay horyaalka ee Spurs (Nuno Espírito Santo markaas).