Qaar ka mid ah Dhalinyarada Kismaayo ko ku baaqay in lagawada shaqeeyo nadaafadda deegaanka

0
27

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool magaalada Kismaayo ayaa bulshada deegaanka ugu baaqay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta nadaafadda magaalada, taasoo ay sheegeen inay tahay masuuliyad guud oo qof walba saaran. Dhalinyaradan ayaa sheegay in nadaafaddu ay kaalin weyn ka ciyaarto caafimaadka bulshada, bilicda magaalada, iyo horumarka guud ee deegaanka.

Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here