Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlad goboledka Jubbaland ayaa kulan wacyigelin ah oo ku saabsan ka hortagga cudurka Duumada (Malaria) u qabatay qayb kala duwan ee bulshada ku nool deegaanka Wirkooy ee hoosyimaada Degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose .
Bulshada deegaankaas ayaa lagu wacyigaliyay ilaalinta Nadaafada oo qayb wayn ka qaadata ka hortaga cudurka duumada.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.