Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Frank Leboeuf ayaan wakhti iska lumin ka hor inta uuna su’aal galin saxiixa Arsenal ee Viktor Gyokeres ka dib markii uu ku dhibaatooday kulankiisii ugu horeeyay ee premier League.
Weeraryahanka reer Sweden, kaasoo 64 milyan ginni uga soo dhaqaaqay Sporting horaantii xagaaga, ayaa ku dhibtooday inuu saameyn ku yeesho kulankii ay Arsenal 1-0 kaga badisay Manchester United Axadii.
Gyokeres ayaa kaliya 21 taabasho kubbada ka taabtay kulankiisii ugu horeeyay ee Arsenal ka hor inta aan lagu badalin Kai Havertz.
Frank Leboeuf ayaa saxiixa cusub ee Arsenal bar-bar dhigay xiddiga ku fashilmay Man United Rasmus Hojlund.
“Walaacaygu waa maxay sababta ay ula soo saxiixdeen ciyaaryahan Gyokeres oo kale ah adiga oo og in kooxda inteeda kale aysan u ciyaari doonin sida uu doonayo?’ Leboeuf ayaa u sheegay ESPN.
“Maxaad ula soo saxiixaneysaa ciyaaryahan sidaas oo kale ah marka kooxda inteeda kale aysan fahmin isaga?”.
“Waxaan rajeynayaa inuu wax ka sii fiicnaan doono oo uu goolal dhalin doono laakiin waxaan u maleeyay [Rasmus] Hojlund inuu u saxiixay Arsenal oo uu maanta la ciyaarayo kooxdiisii hore”.