Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa u sheegtay BBC-da in in ka badan 6,000 oo fiisooyin ardayda caalamiga ah laga hakiyay sababo la xiriira “ku xadgudubka sharciyada Mareykanka iyo joogitaanka muddadii loo oggolaa dalkaas oo ka badsadeen.”
Wasaaraddu waxay Isniintii sheegtay in “tirada ugu badan” ee xadgudubyadan ay ka mid yihiin weerarro jireed, daroogada iyadoo la wado gawaari, xatooyo iyo “taageeridda argagixisada.”
Tallaabadan ayaa timid iyadoo maamulka Madaxweyne Trump uu sii wado siyaasaddiisa adag ee la xiriirta socdaalka iyo ardayda caalamiga ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay shaacisay in in ka mid 6,000 oo dal ku gal la hakiyay, ku dhawaad 4,000 waxaa loogala laabtay sababo la xiriira ku xadgudubka sharciyada Mareykanka.
Waxaa sidoo kale la laalay 200 illaa 300 oo fiiso oo kale sababo la xiriira “falal argagixiso” oo lagu caddeeyey Qodobka 3aad ee Sharciga Socdaalka Mareykanka. Qodobkan wuxuu si ballaaran u qeexayaa “fal argagixiso” inuu yahay ficil kasta oo khatar gelinaya nolosha aadanaha ama jebinaya sharciga Mareykanka.
Horaantii sanadkan, maamulka Madaxweyne Trump ayaa joojiyay jadwalka ballamaha fiisooyinka ardayda caalamiga ah. Bishii Juun, markii ballamaha dib loo bilaabay, waxay ku dhawaaqeen in dhammaan codsadayaasha laga doonayo inay akoonnadooda baraha bulshada ka dhigaan kuwo dadweynuhu arki karaan si loo baaro dhaqdhaqaaqooda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay sheegtay in dib-u-eegisyadani ay soo bandhigi doonaan doonaan “wax kasta oo muujinaya nacayb ama cadowtinimo loo qabo muwaadiniinta, dhaqanka, dowladda, hay’adaha, ama mabaadi’da aasaasiga ah ee Mareykanka.”