Wasiirka Maaliyadda oo daah-furay hannaanka saxiixa Danabeysan ee Maamulka lacag bixinta

0
11

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa si rasmi ah u daah-furay hannaan ka ๐—ฆ๐—ฎ๐˜…๐—ถ๐—ถ๐˜…๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฏ๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐—ป ee maamulka lacag bixinta Hayโ€™adaha Dowladda, kadib munaasabad ballaaran oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda daah-furka ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana ka qaybgalay masโ€™uuliyiin ka socday wasaarado iyo hayโ€™ado kala duwan oo dowladeed. Adeegsiga hannaankan cusub ayaa ah tallaabo muhiim ah oo ka dhigaysa nidaamka maamulka maaliyadda mid casri ah, hufan, isla markaana ka madax-bannaan buug iyo waraaqo badan.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in hirgelinta saxiixa dhijitaalka ahi ay wax weyn ka tari doonto daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka, ayna dardar-gelin doonto adeegyada dowladda ee la xiriira bixinta dhaqaalaha.

Tallaabadan cusub ayaa loo arkaa mid taariikhi ah oo ku soo kordhaysa maamulka maaliyadda dalka, iyadoo la filayo in ay fududeyso habraacyada lacag-bixinta, isla markaana sare u qaaddo hufnaanta iyo kalsoonida nidaamka dowladeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here