Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Jubbaland oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka wasaaradda iyo hawlwadeeno ka tirsan wasaaradda ayaa kormeer ku tagay macjarka xoolaha ee degmada Kismaayo, iyadoona ujeedka kormeerka uu ahaa sidii kormeer qiimeyn ah loogu sameyn lahaa in ka badan 2000 neef oo lo’ ah, kuwaas oo halkaas ku jira loogana dhoofin doono dekedda Kismaayo maalmaha soo socda.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.