Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain, Gavi, ayaa weydiistay Barcelona inay iska iibiyaan Fermin Lopez oo ka tirsan kooxda Catalan.
Majalada Isbaanishka, Sport ayaa ku warameysa in tani ay ka dambeysay kadib markii la sheegay in uu khilaaf soo kala dhex galay Labada Ciyaatoy sabab la xidhiidha gabdhaha ay is jecelyihiin.
Labada Ciyaatoy ayaa la sheegayaa in ay isku dheceen Sababta oo ah gabadhaha ay is jecelyihiin ayaa is dagaalsan.
Khilaafka labada xiddig ayaa la sheegay in uu si degdeg ah u kacay, waxaana uu u muuqdaa mid baryahan dambe gaaray heer aad u kulul.
Gavi, oo ah ciyaaryahan aad looga jecel yahay kooxda Marka loo Bar-bar dhigo ciyaartoyga kale ayaa maamulka kooxda u sheegay in suuqa xagaagan la iska iibiyo xiddiga.