Kooxda Crystal Palace oo ku Guuleysatay Koobka Community Shield-ka.

0
11

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Crystal Palace ayaa ku Guuleysatay koobka Community Shield-ka, kulan ka dhacay garoonka Wembley kana tirsanaa kama dambeyska Koobka Community Shield-ka.

Kulanka ayaa ahaa mid dhex maray labadii kooxood ee kusoo kala guulaystay koobabka FA Cup-ka Iyo Premier League xilli ciyaareedkii tagey.

Kooxda Liverpool ayaa u muuqatay kuwo uu ka muuqdo khal-khal iyo in ayna diyaar u ahayn difaacashada koobka Premier League xilli ciyaareedkan cusub oo dhawaan daaha laga rogi doono.

Liverpool ayaa dhalisay goolka 1-aad daqiiqadii 4-aad waxasna u dhaliyay saxiixooda cusub ee Hugo Ekitike kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0, Crystal Palace ayaa isla markiiba bar-baraha keentay oo ciyaarta ka dhigtay 1/1 waxaana gool rikoore ah u dhaliyay xiddiga Jean-Phillippe Mateta daqiiqadii 17-aad.

Kooxda Liverpool ayaa isla markiiba dhalisay gool kale waxaana u dhaliyay xiddiga Jeremie Frimping oo isagana ah saxiixyada cusub ee kooxda, kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta, dhanka Crystal Palace ayaa daqiiqadii 77-aad dhalisay goolka bar-baraha waxaana u dhaliyay xiddiga Ismalila Sarr kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa ay labada kooxood isla gaareen rikoorayaal iyada oo ay guushu 3/2 ku raacday kooxda Crystal Palace, Liverpool looga guuleysatay Koobka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here