Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Deegaanada dhaca galbeedka Magaalada kismaayo oo qaar kood ay daganyihiin dad barakacayaal ah ayaa waxaa jira baahiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhinacyada waxbarashada caafimaad,biyaha iyo kuwo kle oo mudan in laga Jawaabo ama wax laga qabto
Tuulada baxnaano oo ka mid deegaanada galbeedka Kismaayo ayn daganyihiin qoysas danyar ah kuwaas oo qaarkood xili hore meesha ku soo barakeceena ayaa waxaa booqasho ku tagay Guddoomiye ku-xigeenka Xafiiska Barakacayasha iyo qaxootiga Jubbaland oo ay weheliyaan masuuliyiin kale ayagoona u guur galay baahiyaha asaasiga ah ee deegaanka ka jira.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.