Wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Aduunka oo gaaray Baladweyne.

0
320

Baladweyne(Idaacada Waamo)Wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo xubno ka tirsan howlwadeenada Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdigan ayaa waxaa xarunta gobolka Hiiraan ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale.

Wafdiga ka socda Hay’adda Caafimaadka Aduunka iyo xubnaha Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa u tegay Baladweyne iney eegaan xaaladda caafimaad ee gobolka.

Wafdiga ayaa waxay kormeer ku sameeyeen isbitaalka guud ee gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne, iyagoo eegay qalab ahaan dawo ahaan iyo xaalada guud ee isbitalka maadaamaa isbitalka si weyn u saameeyeen fatahaadii wabiga shabeelle.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Hirshabeelle Tahliil Ibraahim Cabdi ayaa sheegay iney soo dhoweynayaan imaashaha Wafdigan,islamarkaana ay soo tuseen Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyn iyo sidoo kale xarunta degmada oo ay saameeyn ku yeesheen Fatahaadii Wabiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne.

gudaha isbitalka ayaa kulan saacado qaatay ku yeesheen wafdiga iyo madaxda caafimaadka ee hirshabelle iyo dhaqaatiirta isbitalka.

Sidoo kale,waxaa hadal kooban jeediyay Ibraahim Maxamed Nuur oo ah agaasimaha waaxda shaqaalaha ee Wasaaradda caafimaadka ee Dowladda Federaalka iyo mas’uuliyiinta Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee (WHO).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here