Man United Oo Badalka Onana Ka Doonaysa Premiere League

0
16

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsanayso suurtogalnimada ay xagaaga kula soo wareegi karto goolhayaha Newcastle United Nick Pope.

33-sano jirkaan ayaa Goolhaye la isku halayn karo u ahaa Newcastle tan ilaa markii uu kaga soo biiray kooxda Burnley.

Onana ayaa la kulmaya cadaadis weyn kadib khaladaad uu sameeyay kulamo badan xilli ciyaareedkii dhamaaday taas oo keentay in ay Maamulka ka fikiraan badalkiisa.

Sida laga soo xigtay talkSPORT, United ayaa indhaha ku haysa Pope maadaama uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga soo aadan, taasoo ka dhigeysa mid soo jiidasho leh dhanka dhaqaalaha.

Kharashka aadka u hooseeya ee lagu helayo goolhayaha ruug-caddaaga ah, oo lagu soo waramayo in u dhexeeya £10-£15 milyan ayaa keenaysa in ay awood u yeelan karaan saxiixiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here