Wafdi ka socda QM oo soo gaarey Muqdisho lana soo dhaweeyey.

0
312

Muqdisho(Idaacada Waamo)Magaalaada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa soo gaarey wafdi uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Wadamada Geeska afrika Parfait Onanga-Anyanga , iyada oo lagu soo dhaweeyey.

Wafdiga ayaa Garoonka diyaaradaha muqdisho waxaa kusoo dhaweeyey Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Parfait Onanga-Anyanga ayaa waxaa lagu wadaa in uu kulamo kala duwan la qaato Wakiilada kala duwan ee Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya iyo madaxda Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waa wafdigii labaad ee ka socda Qaramada Midoobey oo muddo laba cisha Gudahood ah soo gaara Magaalada Muqdisho,waxaana shalay yimid Wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka u qabilsan QM ee WHO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here