Zinedine Zidane Oo Loo Caleemo Saaray Boqorka Final-ka

0
450

Kismaayo(Idaacada Waamo) Tababare Zidane ayaa Noqday Boqorka Finalada Tan Iyo Markii uu Tababaraha u Noqday Kooxda Cad-cadka ee Real Madrid.

Tababarahan Reer France ayaa 10 Koob Kula Guulaystay Kooxda Real Madrid iyada oo 9 Ka Mid ah Ka yimaadeen Kulan Final ah iyo Hal Horyaalka oo La Liga ah Xilli Ciyaareedkii 2016/2017.

Final-kiisii ugu Horeeyay ayaa ahaa Finalkii Champions League 2016 isaga oo Rikoorayaal Kaga Qaaday  Kooxda ay Dariska yihiin ee Atletico Madrid.

Real Madrid ayaa Bilo kadib Waxa ay 3/2 ku Garaacday Kooxda Reer Spain ee Sevilla Kulankaas oo ahaa Finalkii UEFA Super Cup Kadibka Waxay Kusii Guuleysteen Koobka Club World Cup-ka.

Waxaa Xilli Ciyaareedkii Xigay Soo Raacay Horyaalka iyada oo uu Mar Kale Ku Guulaystay Final Champions League ah Danadkii 2017 Markaas oo ay 4/1 Kaga Guuleystay Kooxda Talyaani ee Juventus.

Kadib Man United ayaa Noqotay Dhibanihii Xigay ee Zidane isaga oo Ka Qaaday Koobka UEFA Super Cup Kahor inta uusan Barcelona Ku Garaacin Koobka Supercopa de Espana Sanadkii 2017 Markii Labada Lugood La Ciyaari Jiray Wuxuuna Labada Lugood Kaga Qaaday 5-1.

Zidane ayaa Ku Guulaysiga Koobabka ayaa Mar Kale aaday Abu Dhabi Markaas oo uu Kooxda Kula Guulaystay Club World Cup-ka Kulan ay La Ciyaareen Kooxda Gremio.

Champions Leageu Markii 3-aad ayuu Ka Qaaday Kooxda Liverpool Kulan Ka Dhacay Magaalada Kiev Kahor intii uusan Xalay Markii 9-aad Final Koob Ku Hogaamin Kooxda Real Madrid.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here