Itoobiya oo qorsheynaysa in sanadkan ay qabsoonto doorashada baarlamanka dalkeeda.

0
450

Addis Ababa(Idaacada Waamo)Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dalkiisu qaban doono doorashooyinka baarlamaaniga bartamaha sanadkan gaar ahaan bilaha May ama Juun middood.
Doorashiiyinka uu ra’iisul wasaaruhu sheegay ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee dalkaasi ka qabsooma tan iyo markii uu xukunka dalkaasi qabtay mudane Axmed 2018.
Ra’iisul wasaaraha oo heysta billadda caalamiga ee nabadda (Noble Peace Price) ayaa horay u ballanqaaday in dalka Itoobiya uu ku hoggaamin doono siyaasad toolmoon oo taabata dhinacyada dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga.

Colaadaha iyo kala qeysanaanta qowmiyadaha wada deggan dalkaas ayay guddiga doorashooyinka dalkaasi tilmaameen in ay suuragal tahay dib u dhac ku yimaada doorashooyinka 2020-ka.

“Ma garanayo xilliga dhabta ah ee dhaceyso doorashada ma May baa mise Juun sababtoo ah waxaa taasi ku dhawaaqi doona guddiga doorashooyinka waxaanse aaminsanahay in sanadkani ay dhacayso doorasho dastuuri ah” ayuu yiri Abiy oo intaa sii raaciyay in ay jiraan caqabado dhanka ammaanka iyo farsamada ah.
Hadalkan ayuu Abiy Axmed ka sheegay dalka Koofur Afrika oo uu ku saxiixay heshiis iskaashi dhanka caafimaadka iyo dalxiiska oo dhex mara dalkiisa iyo Koofur Afrika.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ka digay dib u dhac walba oo ku yimaada doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Itoobiya sanadka haatan curtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here