Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Darwin Nunez ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhaliyay saddexley kulan ay Reds 5/0 ku xasuuqday Stoke City kulan saaxiibtinimo.
Sida laga soo xigtay The Athletic, xiddiga reer Uruguay ayaa seddexleey si degdeg ah ugu garaacay kooxda Championship-ka, isagoo ka ciyaarayay weerarka Isla markaas wehelinayay Salah iyo Rio Ngumoha oo 16 jir ah.
Saxiixa cusub ee Wirtz ayaa ku bilowday No. 10 isaga oo ciyaaray daqiiqadihii ugu horeeyay ee kooxda Liverpool.
Gool uu dhaliyay da’yarka Ngumoha ayaa keentay in ay kooxda Liverpool 4/0 ku hogaamiso ciyaarta qaybtii nasashada.
Tababare Slot ayaa qaybtii dambe dhamaan badalay xiddigaha ku bilowday kulanka.