Shiinaha iyo Jabuuti oo adkeynaya xariirka labadooda dal.

0
352

Jabuuti(Idaacada Waamo)Dalalka Shiinaha iyo Jabuuti ayaa ku heshiiyay horumarinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal.
Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi oo la hadlay warbaahinta ayaa amaanay xariirka wanaagsan ee u dhexeeya Jabuuti iyo Shiinaha.
Xariirka laba geesoodka ah ee labada dal ayuu ku tilmaamay in uu yahay mid ku dhisan saaxiibtinnimo iyo is aaminaad.
Wang ayaa Jabuuti uga mahadceliyay sida togan ee ay hoggaamnsantahay wax isdhaafsiga dheefsiga ku qotoma ee u dhexeeya Jabuuti iyo Shiinaha.

Jabuuti ayuu ku tilmaamay in ay safka hore kaga jirto dalalka ugu xasilloonida badan sidoo kalena ku socdo xawaare dhanka koboca dhaqaalaha ah kaasoo ay ugu wacantahay sida ay uga faa’iideysatay mandiqadda istiraatiijiga ah ee ay ku taallo.
Shiinaha ayuu masuulkani sheegay in uu u hanweynyahay adkeynta xariirka dhaqaale iyo midka ganacsi ee uu la wadaago Jabuuti.

Dhankiisa wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ugu baaqay sharikadaha maalgashiga Shiinaha in ay kordhiyaan maalgashiga heerarka kala duwan leh ee ay ku yeelanayaan Jabuuti.
Wasiir Yuusuf ayaa hoosta ka xarriiqay in Jabuuti ay ka go’antahay adkeynta xariirka laba geesoodka ah ee labada dal.
Jabuuti ayaa tobankii sano ee u dambeeyay u guntatay sidii ay uga dheefsan lahayd dakadeheeda una dhiirrigelin lahayd maalgashiga shisheeyaha ee u soo hanqaltaagay ilaheeda dabiiciga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here