Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Caasimada Dowladda Hirshabeelle ee Jowhar ayaa lagu qabtay munaasabadda furitaanka laanta Hay’adda NIRA ee Dowladda Hirshabeelle.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle, Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Xeer-ilaaliyaha Guud, Duqa magaalada Jowhar iyo marti-sharaf kale.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA Cabdiweli Cali Cabdulle (Tima-cadde) ayaa tilmaamay laanta ay ka hirgeliyeen Hirshabeelle inay si weyn ugu adeegi doonto bulshada.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa goobta lagu guddoonsiiyey aqoonsiga rasmiga ee muwaadinimo.
“Aqoonsiga muwaadinimo qaadashadiisa waxa uu laf-dhabar u yahay adeeg walba oo aad u doonaneysaan xafiisyada Dowladda, waxaa lagama maarmaan ah inaad xilli hore qaadataan.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa kula dardaarmay howlwadeennada NIRA ee Hirshabeelle inay si hufan ugu adeegan shacabka aqoonsiga u soo doonan doono.