Golaha Aqalka Sare oo la horgeeyay hindise sharciyeedyo dhowr ah.

0
356

Muqdisho(Idaacada Waamo)Xubnaha Golaha Aqalka Sare BFS. Ayaa manta gudagalay qodobbo la xiriiray Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Kulankii manta oo ay soo xaadireen Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi , Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad Senatar Moowlid xuseen Guhaad.waxa golaha hor-yimid Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga XFS Mudane Xassan Cali Maxamed ,Wasiir ku-xigeenka Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble.

Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa ka hor akhriyay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.
Waxaa haatan ay guda galeen Senarada Golaha Aqalka Sare ee BFS dodooda ku aadan akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here