Imtixaanka Macaahidda Jubbaland oo si Rasmi ah Loo Daah-furay

0
14

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dalladda Al-Teysiir ayaa magaalada Kismaayo ka daahfurtay imtixaanka fasalka 12-aad ee macaahidda Jubbaland, Dalladdani ayaa door weyn ka qaadata horumarinta waxbarashada diinta iyo tan guud ee gobolka.

Munaasabadda daahfurka imtixaanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland, maamulka Dalladda Al-Teysiir, macallimiin, waalidiin, iyo iyo marti sharaf kale.

Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here