Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarka Macalimiinta ee Baydhabo

0
7

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay xarunta tababarrada macalimiinta ee laga dhisayo magaalada Baydhabo.

Xaruntan cusub ayaa loogu talagalay in lagu tayayeelo aqoonta iyo xirfadda macalimiinta ka howlgala deegaannada hoos yimaada maamulka Koonfur Galbeed.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan maamulka, wasaaradda waxbarashada, marti sharaf iyo qeybaha bulshada.

Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here