Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kharashaadka xagaaga ee Liverpool ayaa u muuqda mid sii socon doona xilli ay ku sii dhawaanayaan saxiixa Marc Guehi.
Daafaca Crystal Palace ayaa lala xiriiriyay dhowr kooxood oo sare ka dib markii ay caddaatay inuusan u kordhin doonin qandaraaska uu ku joogo Selhurst Park, kaasoo ay ka harsan tahay kaliya hal sano.
Laakiin Liverpool ayaa hadda ku jirta booska ugu sarreeya, waxaana wadahadallada u dhexeeya dhammaan dhinacyada ay dhici doonaan 24-ka saac ee soo socda.
Waxa ay noqon doontaa ganacsi kale oo cajiib ah oo ka yimid Liverpool, kuwaas oo raacay hanashada horyaalka iyaga oo ku dhawaad 200 milyan suuqa galiyay.
Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa Florian Wirtz kaga soo iibsatay Bayer Leverkusen lacag rikoor ah 116 milyan oo euro.
Milos Kerkez oo Bournemouth kaga soo biiray 40 milyan oo euro iyo Jeremie Frimpong oo Leverkusen kaga soo biiray 30 milyan.
Kooxda Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay haatan u dhaqaaqayaan xiddiga reer England ee Guehi.
Wali waxa jira arimo badan ka hor inta aan la dhamaystirin heshiiska laakiin Liverpool ayaa ka shaqaynaysa sidii ay u heli lahayd saxiixa daafaca.