Dhaqaatiirta Degmada Dhoobley oo Ka Digay Cudurrada Ka Dhalan Kara Kaneecada

0
44

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dhaqaatiirta ku nool degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa bulshada magaaladaasi ugu baaqay inay ka digtoonaadaan xanuunka Malariyada, oo si weyn ugu fida xilliyada roobka, una keenta halis caafimaad oo saameeya dad badan.

Dhakhaatiirtu waxay sidoo kale ka digeen cudurrada laga qaado kaneecada, iyagoo bulshada ugu baaqay inay isticmaalaan shabaqyada kaneecada (qanbiinnada), si ay isaga ilaaliyaan halista cudurrada ay kaneecadu faafiso.

Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here