Arsenal Oo Ku Dhaw Saxiixa Goolhaye Cusub

0
11

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Arsenal ayaa heshiis la gaartay Chelsea si ay ula soo saxiixato Kepa Arrizabalaga.

Gunners ayaa si niyad jab leh ku bilaabatay suuqa kala iibsiga xagaaga laakiin haatan waxa ay qarka u saaran yihiin in ay xoojiyaan kooxda.

Arsenal ayaa ka shaqaynaysay saxiixa xiddiga Martin Zubimendi waxana soo bandhigi doontaa saxiixiisa Bisha dambe.

Khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in Arsenal ay sidoo kale ogolaatay heshiis ay kula soo saxiixanayso Goolhaye Kepa oo ay kala soo wareegayso Chelsea.

Arteta ayaa u baahday goolhaye cusub ka dib markii uu Neto ku laabtay Bournemouth oo uu amaah kaga maqnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here