Odayaasha dhaqanka Jubbaland oo kawaramay muhiimadda maalinta xoriyadda 26 June

0
12

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maalmaha xorriyadda Soomaaliya waxay astaan u yihiin halgankii dheer ee shacabka Soomaaliyeed u soo galeen sidii ay uga xoroobi lahaayeen gumeystayaashii reer Yurub, una heli lahaayeen madax-bannaani buuxda iyo midnimo qaran.

26-ka Juun 1960, waxaa xornimadooda helay gobollada Waqooyi (British Somaliland), waxaana magaalada Hargeysa lagu qaaday calanka Soomaaliyeed markii ugu horreysay.

1-da Luulyo 1960, gobollada Koonfureed (Italian Somaliland) ayaa isna xornimadooda helay, waxaana isla maalintaas la mideeyay Waqooyi iyo Koonfur, iyadoo la dhisay Jamhuuriyadda Soomaaliya oo madax bannaan.

Waxaa Madaxweyne loo doortay Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde), calankii buluugga ahaa ee xiddigta cad lehna wuxuu noqday astaanta midnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed.

Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here