Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Jubbaland iyo Maamulka Degmada Kismaayo ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabtay kulan muhiim ah oo looga hadlayay canshuuraha guryaha. Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa in la xoojiyo wacyigelinta bulshada ee ku saabsan waajibaadka canshuur bixinta, gaar ahaan milkiilayaasha guryaha, si loo helo dakhli lagu horumariyo adeegyada bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalada.
Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.