Warbixin:Maalinta Caalamiga ah ee Ka hortagga Kalluumeysiga sharci darrada ah

0
16

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-5-ta Juun waxaa laga xusaa daafaha dunida maalintan muhiimka ah si loo xoojiyo wacyigelinta ku aaddan sidii loo ilaalin lahaa baddaha, loo sugi lahaa nolosha kalluumeysatada, loona joojin lahaa burburka dabiiciga ah ee khatar gelinaya mustaqbalka cunno iyo dhaqaale ee dad badan oo ku tiirsan kalluunka.

Kalluumeysiga sharci-darradaa waxaa uu halis weyn ku yahay:

1.Deegaanka badda;

2.Dhaqaalaha kalluumeysatada maxalliga ah;

3.Nolosha bini’aadamka.

Xaaladda Soomaaliya

Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Afrika – in ka badan 3,300km – taas oo kheyraad badeed aad u hodan ah leh Laakiin nasiib darro, sanado badan waxaa laga sheeganayay in badda Soomaaliya ay si sharci darro ah uga kalluumaystaan doonyo ajaanib ah oo aan hayn wax oggolaansho ah, taasoo si toos ah u dhaawacday Si kastaba ha ahaatee, burburkii dowladnimo ee dhacay 1991 wixii ka dambeeyay, xeebaha Soomaaliya waxay u furmeen doonyo kalluumeysi oo ajaanib ah kuwaas oo si sharci-darro ah uga kalluumaysta baddaha Soomaaliya.

Dhallinyaro kalluumeysato ah ayaa sheegaya in ay waayeen kalluunkooda iyo nolol maalmeedkooda sabab la xiriirta doomaha shisheeye ee si aan sharci ahayn ugu kalluumaysta badda Soomaaliya.

Dhageystayaal kalluumaysigu waa nolol. Badduna waa hantideenna dabiiciga ah.

Waxaa waajib nagu ah inaan ilaashano, u doodno, una hiilino kalluumeysatada Soomaaliyeed. Waa in la xoojiyaa sharciyada iyo ilaalinta xeebaha si aan u xaqiijino mustaqbal badeed oo waara.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyadu waxay wadaan dadaallo dib-u-habeyn loogu sameynayo maamulka kheyraadka badda. Waxaa la hirgeliyay ruqsado kalluumeysi, diiwaangelinta doomaha, iyo kormeer sharciyeed oo ay sameeyaan hay’adaha kalluumeysiga.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale wadataa qorshe ay ku dhiseyso awoodda.

Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here