Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland oo faahfaahisay Hab-sami u socodka Imtixaanaadka

0
15

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland, Axmed Faarax Aeys, ayaa faahfaahin ka bixiyay habsami u socodka imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2024–2025.

Agaasimaha ayaa xusay in imtixaanka uu si habsami leh u dhacay, iyadoo la tixgeliyay tayada waxbarashada iyo ilaalinta hufnaanta imtixaanka. Waxaa la sameeyay qorsheyaal lagu xaqiijinayo in imtixaanka uu noqdo mid caddaalad ah oo ka madax bannaan musuq iyo qish.

Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here