Heshiis la dhex dhigay beelo ku dagaalamay Hiiraan.

0
340

Matabaan(Idaacada Waamo)Maamulka Hirshabelle iyo odayaasha gobalka hiiraan ayaa ku guuleestay in heshiis ay kala dhax dhigaan beelo ka soo kala jeeda Gobolladda Hiiraan iyo Gal-gaduud kuwaas oo horay ay u dhaxmareen shaqaaqooyin sababay dhimasho, dhaawac iyo in hanti la kala qabsado.

Kusimaha Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Kor Cali Cabdi Mahad Alle, L/xle Maxamed Maxamuud Rooble (Qoor Sheel) Iyo Guddomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Matabaan ee Hirshabelle Ducaale Aadan Cabdulle iyo odataasha ayaa ku guuleestay soo afmeeridda Colaadii labadaas beel ee walaalaha ah ku dhaxmartay deegaanno hoosyimaada degmada matabaan ee gobolka Hiiraan.

Magta tiro dad ah oo labada dhinac ay iska dileen ayaa lagu heshiiyay bixinteeda qaar kamid ah ayaa isla goobta lagu dhiibay halka inta hartayne muddo shareeco ay qabsadeen labada dhinac.

Gaadiid ay kala qabsadeen laba beel ayaa iyane loo kala wareejiyay si uu usoo noqdo amniga iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Dhanka Gal-gaduud waxaa ka socday saraaakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, kuwaas oo qeyb ka ahaa sugidda amniga madasha uu heshiiska ka dhacay oo aheyd degmada matabaan ee gobolka hiiraan.

Odayaasha dhaqanka Laba beel ayaa iyane Ciyaaray Door nabadeed oo aad loo amaanay waxaana kulanka Dib u Heshiisiinta uu ka dhacay Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan uu kusoo dhamaaday Guul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here