Darwin Nunez Oo Ku Dhaw In Uu Ka Tago Liverpool

0
11

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Weeraryahanka Liverpool Darwin Nunez ayaa heshiis afka ah la gaaray inuu ku biiro Atletico Madrid xagaagan, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Uruguay ayaa ku dhibtooday inuu ka hoos ciyaaro Arne Slot xilli ciyaareedkan, isagoo ku soo bilowday kaliya sideed kulan oo Premier League ah.

Liverpool ayaa u furan in ay iska iibiso Nunez suuqa kala iibsiga xagaaga laakiin waxa ay wajahaysaa shaqo adag oo ay ku soo celinayso lacagtii ay ka soo bixisay xiddiga 25 sano jirka ah.

Heshiiska ay Liverpool kula soo saxiixatay Nunez Benfica sanadka 2022 ayaa ku kacaya 85 milyan wadar ahaan marka lagu daro gunooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in ay Atletico Madrid wax walba kala heshiisay iddiga isla markaas kaliya dhimantahay in ay la heshiiso Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here