Cabdi Xaashi iyo Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya oo ka wadahadlay doorashooyinka.

0
324

Muqdisho(Idaacada Waamo)Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta oo Khamiis ah xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Danjire Staffan Tillander.

Guddomiyaha iyo Safiirka ayaa waxay ka wada hadleen Arrimaha Dooroshooyinka 2021 ee lafilayo in dalka ay ka dhacado, Iskaashiga Xiriirka labada dal iyo Taagerada Doowlada Sweden ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa ku soo idlaaday jawi is afgarad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here