Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray dhismaha xarunta degmada Howl-wadaag.

0
415

Muqdisho(Idaacada Waamo)Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filisha ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha xarunta degmada Howl-wadaag oo dib loo dhisay.

Bishii September ee 2018 ayaa gaari qarax siday lagu dhuftay dhismaha xarunta degmada How-wadaag kaasoo burburiyay dhismaha.

Duqa Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay in maamulka gobolka iyo shacabka Muqdisho ay ka go’antahay dhismaha xarumaha danta guud ee loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, isagoo shacabka ku boorriyay in ay qeyb weyn ka qaataan dhismaha xarumaha gobolka.

Xarumaha Degmooyinka Hodan iyo Warta-nabadda ayey Al-shabaab sidan oo kale ku burburiyeen qaraxyo lagu soo xiray gaadiid kuwaas oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah.

Febraayo 2019-kii waxaa dhagax dhigay dhismaha xarunta kaddib qaraxii laa beegsaday Guddoomiye ku-xigeenkii hore maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here