Turkiga iyo Ruushka oo ku heshiiyay xabad joojin ka hirgasho dalka Libya.

0
375

Istambul(Idaacada Waamo)Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa ku baaqay xabad joojin ka hirgasho dalka Libya si loo joojiyo colaada dalkaasi.
Labada hogaamiye ayaa loo arkaa in ay lakala safan yihiin labada dhinac ee isku haya dalka Libya.
Go’aankan ay labada madaxwayne qaateen ayaa yimid kadib markii uu kulan ku dhex maray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoona Erdogan uu sheegay in xabad joojintu ay dhaqan gali doonto saqda dhexe ee habeenimo.
Turkiga ayaa todobaadkii hore ciidamo u diray dalka Libya si ay u taageeraan dowladda ay Qarama Midoobe taageerto caalamkana uu aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay magalaada caasimada ah ee Tripoli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here