Madaxii hore ee FBI-da oo Su’aalo laga weydiiyay gooddin ka dhan ah Trump

0
10

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Laanta adeegga sirdoonka Maraykanka ayaa wareysi la yeelatay agaasimihii hore ee FBI-da James Comey , ka dib markii uu tirtiray sawir uu ku qornaa lambar oo uu la wadaagay baraha bulshada, taasi oo dhalisay inay si weyn u faafto, iyada oo Jamhuuriyiintu ay ku eedeeyeen qoraalka uu ahaa kicinta rabshadaha ka dhanka ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Comey ayaa si mutadawacnimo ah uga qayb qaatay su’aalo weydiinta muddo saacad ah oo ka socotay xarunta hay’adda fulinta sharciga ee Washington DC , mana lagu hayn xabsiga.

Waxa ay u yeerista agaasimihii hore ee FBI ku soo beegantay maalin kadib markii uu barta Instagram-ka soo dhigay sawirka qolof-badeedka uu ku qornaa lambarada “8647”.

Lambarka 86 waa erey hal-ku-dhig ah oo qeexitaankiisa uu ka mid yahay “in la diido” ama “laga takhaluso”, sida laga soo xigtay qaamuuska Merriam-Webster, taasi oo tilmaamaysa waayadan dambe loo adeegsaday eray ahaan “dil”. Trump waa madaxweynihii 47-aad ee Mareykanka.

Comey waxa uu ku adkaystay in aanu garanayn waxa ay tirooyinkaasi ka dhigan yihiin, balse Trump ayaa taasi kaga soo horjeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here