Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Wasiirka Hawlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Cabdiwahab Axmed Ismaaciil, ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la yimaadaan aragtiyo cusub iyo dadaallo horleh oo lagu horumarinayo dalka.
Wasiirku waxa uu sheegay in isbeddel dhab ah lagu gaari karo marka dhalinyaradu ay door muuqda ka qaataan dib u dhiska iyo horumarinta bulshada, isaga oo xusay in Jubbaland diyaar u tahay in ay taageerto hal-abuurka iyo hindisayaasha ay dhalinyaradu keenan.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.