Dunida oo Laga Xusayo Maalinta Wada-noolaanshaha Nabadeed

0
10

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ka dib burburkii weynaa ee ka dhashay Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxaa la
aasaasay Qaramada Midoobay si ay u badbaadiso jiilasha mustaqbalka ee dhibaatada
dagaallada. Mid ka mid ah ujeeddooyinka Qaramada Midoobay waa in la gaaro iskaashi
caalami ah si loo xalliyo dhibaatooyinka caalamiga ah, oo ay ku jirto dhiirrigelinta iyo kor
u qaadidda ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee qof kasta,
iyada oo aan loo eegin isir, jinsi, luqad ama diin.

Sannadkii 1997, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ku dhawaaqay – qaraarkiisii
52/15 – in sannadka 2000 uu noqdo “Sannadka Caalamiga ah ee Dhaqanka Nabadda.”
Sannadkii 1998, waxaa la shaaciyey in muddada u dhexeysa 2001 ilaa 2010 loo asteeyo
“Tobanka Sano ee Dhaqanka Nabadda iyo Dagaal-la’aanta ee Carruurta Adduunka.”
Sannadkii 1999, Golaha Guud wuxuu ansixiyey — qaraarkiisii 53/243 — Bayaanka iyo
Barnaamijka Hawlgalka ee Dhaqanka Nabadda, taas oo noqotay xeer guud oo ay u
hoggaansamaan beesha caalamka, gaar ahaan hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo
horumariyo dhaqanka nabadda iyo dagaal-la’aanta oo ay dhammaan aadanaha uga
faa’iidaystaan, oo ay ku jiraan jiilasha soo socda.

Bayaankani wuxuu ka dhashay aragti fog iyo mabda’ sugan oo lagu qoray Axdiga
UNESCO, taas oo oraneysa: “Maadaama dagaalladu ay maskaxda dadka ka bilaabmaan,
waa in difaacyada nabadda iyana laga dhisaa maskaxda dadka.” Bayaanku wuxuu
qaadanayaa mabda’a ah in nabaddu aysan ahayn keliya in dagaal la’aan jirto, balse ay u
baahantahay hannaan togan, firfircoon oo ka qaybgal ah, halkaas oo dood furan la
dhiirrigeliyo laguna xalliyo khilaafaadka si is-faham iyo iskaashi leh.

Bayaanku sidoo kale wuxuu aqoonsan yahay in si loo gaaro yoolkaas, loo baahan yahay
in la baabi’iyo dhammaan noocyada takoorka iyo dulmiga, oo ay ku jiraan kuwa ku
saleysan isir, midab, jinsi, luqad, diin, aragti siyaasadeed ama mid kale, asal qaran,
qowmiyad ama bulsho, hanti, naafonimo, dhalasho ama xaalad kale oo la mid ah.

Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here