Maalinta Caalamiga ah ee Qoyska oo Adduunka Laga xusayo

0
11
Kksmaayo(Idaacadda Waamo)-Qoyska waa udub-dhexaadka bulshada, waa meesha ugu horreysa ee lagu barbaaro,lagu helo jacayl, nabad, iyo barbaarin. Haddaba, maanta Warbixinteenan waxaay  iftiiminaysaa doorka qoyska Soomaaliyeed ee horumarka, waana ka hadli doonaa caqabadaha horyaalla iyo fursadaha horumarineed.
Qoyska Soomaaliyeed wuxuu leeyahay taariikh dheer oo ku saleysan wadajir, isku xirnaan, iyo tixgelin dhaqameed.

Qoyska ayaa ahaa meesha lagu baran jiray akhlaaqda, diin, iyo dhaqanka suuban.
Si kastaba ha ahaatee, sanadihii la soo dhaafay,qoysaska qaar ayaa wajahaya caqabado la xiriira saboolnimo, dagaallo, kala guur dhaqan iyo saameynta teknoolajiyadda.

Waxa jirta baahi weyn oo loo qabo in la xoojiyo wacyiga ku saabsan muhiimadda qoyska, in la taageero waalidiinta, iyo in la abuuro barnaamijyo kor u qaada xasilloonida qoysaska Soomaaliyeed.

Maalinta Caalamiga ah ee Qoyska (International Day of Families) waxaa labilaabay in si rasmi ah loo xuso sanadkii 1994, ka dib markii Qaramada Midoobay (United Nations) ay si rasmi ah u aqoonsatay muhiimadda qoyska ee horumarka bulshada.

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UN General Assembly) ayaa sanadkii 1993 meel mariyey qaraar rasmi ah oo lagu asteeyay 15-ka May sanad walba in loo dabaaldego Maalinta Qoyska.

Go’aanka waxaa gaaray Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UN General Assembly), iyada oo ay xubin ka yihiin dhammaan waddamada caalamka oo ay ku jirto Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa door muhiim ah ka qaadatay kor u qaadidda wacyiga ku saabsan doorka qoyska ee horumarka, barbaarinta, iyo isbedelka bulshada.

Ujeeddada Maalintaan ayaa ah  Kor u qaadidda fahamka muhiimadda qoyska ee horumarka bulshada iyo dhaqaalaha  ayadoo la Xoojinayo siyaasadaha qoyska lagu taageerayo, sida caafimaadka, waxbarashada,iyo nabadda.

Gudoomiyaha Haweenka gobolka Jubbada hoose sido kalana xubin ka tirsan Wasaaradda Haweenka arimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka  Faadumo Aadan Kateela ayaa Idaacada Waamo uga warbisay doorka qoyska ee bulshada iyo waxaa xuska Maalintaan Caalamiga ah uga dhiganyahay bulshada soomaaliyeed ayadoona dhanka kale ka warbixisay doorka wasaaradda Haweenka arimaha qoyska iyo xuquuqu insaanka ay ku leedahay taageerida qoyska .

Qaar ka mid ah bulshada ku nool Kismaayo ayaan dhankooda ka waraysanay Muhiimada xuska maalinta iyo sida loo xoojin karo jiritaanka Qoyska.

Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here