Real Madrid Oo Calaamadsatay 3 Daafac Oo Premier League Ka Ciyaara

0
33

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso xiddigaha ka ciyaara premier League ee Dean Huijsen oo u ciyaara kooxda Bournemouth, William Saliba oo u ciyaara Arsenal Iyo Ibrahima Konate oo u ciyaara Liverpool suuqa xagaaga.

Los Blancos ayaa isku diyaarinaysa waa cusub oo uu hogaamiyo Xabi Alonso kaas oo la filayo in uu badalo Carlo Ancelotti dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa doonaysa in ay siiso Alonso kooxda ugu fiican ee suurtogalka ah xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya, waxaana udub dhexaad u ah daafaceeda mid u baahan in la xoojiyo ka hor xilli ciyaareedka 2025-26.

Xiddigaha Eder Militao, David Alaba iyo Antonio Rudiger oo dhamaantood dhaawacyo ku dhibaatooday sida ay ugu baahanyihiin xiddigo cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here