Maalinta Caalamiga ee Caafimaadka Dhirta oo maanta dunida laga Xusayo

0
8

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Warbixintaan waxaan diiradda saareynaa maalin muhiim ah oo laga yaabo in aysan mar walba wararka sare ka muuqan, balse saameyn weyn ku leh nolosha bini’aadamka, deegaanka iyo cunno-helka dunida. Waa Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhirta.

Maalintan oo la xuso sanad walba 12-ka May, waxaa aas-aastay Qaramada Midoobay si loo kordhiyo wacyiga ku saabsan muhiimadda ilaalinta caafimaadka dhirta si loo dhammeeyo gaajada, loo yareeyo saboolnimada, loo ilaaliyo deegaanka, isla markaana loo kobciyo horumar dhaqaale.

Dhirta waa tiirka nolosha. Waxay soo saaraan oksijiinta aan neefsanno, waxayna bixiyaan ilaa 80% cuntadeenna. Balse caafimaadka dhirta waxaa halis gelinaya cayayaanka, cudurrada dhirta ku dhaca iyo isbeddelka cimilada.

Sanad kasta, ilaa 40% dalagyada cuntada caalamka ayaa halaaba sababo la xiriira cudurro iyo cayayaan, taasoo dhaqaalaha adduunka ka khasaarisa in ka badan $220 bilyan, Dalalka soo koraya, khasaarahani wuxuu keenaa cunno yari iyo saboolnimo sii kordheysa.

Halkudhigga sanadkan waa ( Caafimaadka Dhirta, Cunnada iyo Qorshaha Dhulka) Waa baaq loo dirayo dowladaha, beeraleyda, cilmi-baarayaasha iyo dhammaan muwaadiniinta si loo ilaaliyo dhirta.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here