Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Barcelona ayaa garaacday kooxda Real Madrid kulan El Clásico kana tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkii 35-aad.
Kooxda Real Madrid ayaa si fiican ku bilowday ciyaarta iyaga oo dhaliyay gool daqiiqadii 5-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Kylian Mbappe.
Xiddiga Mbappe ayaa mar kale daqiiqadii 14-aad dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso.
Wixii intaas ka dambeeyay Barcelona ayaa bilowday soo laabasho cajiib ah iyaga oo daqiiqadii 19-aad dhaliyay goolka 1-aad oo uu u dhaliyay daafaca Eric Garcia ka hor inta uuna bar-baraha dhalin xiddiga Lamine Yamal kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Barcelona ayaa dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Raphinha kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2 ay Barcelona ku hogaaminayso.
Xiddiga Raphinha ayaa daqiiqadiihii ugu dambeeyay e qaybta dambe dhaliyay goolka 4-aad ee kooxdiisa isaga oo dhamaystiray soo laabashada.
Qatbta dambe ayay Real Madrid daqiiqadii 70-aad dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Mbappe oo dhamaystiray saddexley.
Laakiin Ferman Lopez ayaa daqiiqadiihii ugu dambeeyay ee ciyaarta dhaliyay goolka 5-aad ee kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 5/3 ay Barcelona guushu ku raacday.