Wasiirka Beeraha oo digniin u diray Ganacsato Dalka soo geliya Khudaar kala duwan

0
26

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaarada Beeraha Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay arrinta la xiriirta ganacsatada dalka ku sugan ee sida xad-dhaafka ah u soo dhoofinaya khudaarta dalka gudihiisa laga beero, taas oo saameyn weyn ku yeelanaysa beeraleyda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay si dhow ula socoto xaaladda suuqyada khudaarta, isagoo tilmaamay in kororka khudaarta laga keeno dibedda ay keentay hoos u dhac ku yimid qiimaha khudaarta maxalliga ah, taas oo dhaawac ku ah dhaqaalaha beeraleyda iyo dadaallada lagu horumarinayo wax soo saarka gudaha.

Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here