Jubbaland oo deeqo kala duwan gaar siisay dad dan yar ah oo ku nool deegaanada dhaca Waqooyiga kismaayo.

0
367
Kismaayo(Idaacada Waamo)Maamulka Degmada kismaayo iyo kan Gobalka Jubbada hoose ayaa agabyo ka kooban bacaha mooska iyo maro ka neeco iyo Jawaano lagu tala galay in la iskaga mooso biyaha loo qeybiyey dadka barakacayaasha ee ku nool deeganada Guula-Guduud Qaam-Qaam yoontoy iyo Goobweyn deeganadan ayaa waxaa saameeyey fatahaad uu sameeyey wabiga Jubba.
Maamulada yoontoy iyo Qaam-Qaam markii ay la wareegee agabyadan kala duwan waxa ay u mahad celiyeen maamulka Degmada iyo kan gobalka jubbada hoose iyo wasaaradda arimaha gudaha jubbalnd  oo soo gaar siiyey deeqdan.
Fartuun Nuur Aadan ayaa warbixintan inooga Diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here