Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Arsenal ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay Emirates.
Arsenal ayaa Doonaysa in ay guul ugu diyaargarawdo kulanka PSG ee champions league ee Arbacada.
Arsenal ayaa dhalisay goolka furitaanka daqiiqadii 34-aad waxana u dhaliyay xiddiga Declan Rice kaas oo ciyaarta ka Dhigay 1/0.
Qaybta dambe ayay Bournemouth ahayd kooxda fiican iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan gooalal ay ugu Soo laabtaan ciyaarta.
Daqiiqadii 67-aad ayay Bournemouth dhalisay gool bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Huijsen.
Xiddiga Evanilson ayaa daqiiqadii 75-aad dhaliyay gool 2-aad waxana uu ciyaarta ka Dhigay 2/1 ay Bournemouth ku hogaaminayso ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Bournemouth ka badisay kooxda Arsenal.