Gudoomiyaha Baydhabo oo Gudoomiyay Kulanka Todobaadlaha ee Maamulka Dawladda Hoose

0
41

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Mudane Cabdullaahi Cali Watiin, ayaa shir guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee Maamulka Dowladda Hoose ee degmada Baydhabo.

Kulankan oo ka dhacay xarunta maamulka degmada ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Hoose, agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan, iyo xubno ka tirsan laamaha fulinta.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd qiimeynta shaqooyinka toddobaadkii tegay iyo qorsheynta howlaha horyaalla toddobaadka soo socda. Guddoomiyaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay in Maamulka Dowladda Hoose uu si hufan u gudato waajibaadkiisa, isagoo ku adkeeyey dhammaan madaxda waaxyaha in ay dardar geliyaan adeegyada ay bulshada u hayaan.

Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here