Caruur badan oo Cudurka Jadeecada ugu geeriyootay Jamhuuriyada Congo.

0
342

Kinshasa(Idaacada Waamo)Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa shaacisay in
dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay cudurka Jadeecada ugu geeriyoodeen
in ka badan 6.000 oo caruur ah.
Hay’adda ayaa waxa ay sheegtay in kiisas dhan 310.000 oo Jadeeco ah laga sameeyay
Jamhuuriyadda Congo sanadkii tagay ee 2019-kii , iyadoona sidaa oo kale ay halis ugu
jiraan in ka badan 18 million oo caruur ah, kuwaas oo da’doodu ay ka yar tahay 5 sano jir.
Jamhuuriyadda Congo ayaa waxaa ragaadiyay colaado sokeeye, taas oo ay isii dheer tahay
cuduro halis ah oo galaaftay nolosha dad badan, waxaa cuduradaasi halista ah ee ka
dilaacay ka mid ah Congo, cudurka dilaaga halista ah ee Epola.
Sida ay shaacisey hay, hadda caafimadda ka Aduunka ee (WHO ) in kabadan 6000 oo
Caruu ah ayaa u geeroyooday cudurka jadeecada jamhuuriyadda Dimoctraadiga ah ee
kongo
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabil san Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa waxa
ay sheegtay in loo baahan yahay dhaqaalo gaadhaya ilaa 40 million oo dollar, si loo
badbaadiyo nolosha carruurtaasi yar yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here