Beeraleyda Gaalkacayo oo Helay Deeq Abuur ah si Ay U Kordhiyaan Wax-soosaarka

0
104

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Si kor loogu qaado wax-soo-saarka dalka loona dhiirrigeliyo beeraleyda ku nool dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug waxay dalagyo loogu talagalay beeraha u qeybisay ku dhowaad kun Qoys oo ku nool magaalada Gaalkacayo ee dhanka Galmudug iyo deegaanada hoostaga.

Madasha ay deeqda ku wareejinaysay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee dowlad-goboleedka Galmudug waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha, maamulka degmada, guddiga beeraleyda Galmudug, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here