Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay carruurta agoonta ah ee lagu xanaaneeyo xarunta Dr Kadare.

0
553

Muqdisho(Idaacada Waamo)Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Maxamuud Jaamac (Jawaahir Baarqab) Dhalinyaro qurba joog ah Diyeeshaha Qaranka Cumar Cabdullaahi Maxamed Cumaraani iyo Guddoomiyha Degmada Warta Nabadda ayaa  deeq raashin ah gaarsiiyey xarunta lagu xanaaneeyo agoonta ee Dr Kadare ee Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Deeqdan ayaa ah mid ay iska soo arruuiyeen dhallinyarada qurbo joogta ah oo uu hogaaminayay diyeeshaha xulkeena Qaranka Cumar, waxaana ay u qeybiyeen dhammaan carruurta ku jirta xarunta agoonta ee Dr Kadare.

Maamulka xarunta iyo carruurta halkaasi lagu xanaaneeyo ayaa wajiyahooda ka muuqatay farxad, waxaana ay ka mahadceliyeen kaalmada beni’aadannimo ee la soo gaareen wafdiga ay hogaamineysay Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here