Mainwali(Idaacada Waamo)Midkamid diyaaradahaa ay leeyihiin militeriga wadanka Bakistaan ayaa ku soo dhacday, garoon militeri oo u dhaw magalada mainwali, diyaaradda ayaa waxaa tababar ku sameeyneyey, duuliyaal katirsan ciidan Cirka Dalka bakistaan.
Ilawareedyo dhanka militeriga ah ayaa warineya in labadii duuliye ee Diyaaradda lasocodey ay dhinteen, militeriga Dalkaasi mabixin wax faafaahin ah oo intaa dheer sida oo kale ma sheegin waxaa sababey in ay Diyaaradda dhacdo.
2018 ayaa waxaa sidaani oo kale diyaaradd military oo ku soo dhacaday, waxaana sidaani oo kale ku geriyooday, isla duuliyaashii diyaaraddaasi waxaa uuna shilkaasi ka dhacay, meel u dhaw garoon ay leeyihiin ciidanka Dalkaasi ee Peshawar.
Sawiro laga soo qaaday, burburka diyaaradda ayaa waxaa ay muujineyaan bubur baaxadlex oo diyaaradda soo gaarey, durba goobta waxaa soogaarey koox baariyaal ah oo dooneya in ay ogaadaan sababta keentey in diyaaraddu ay dhacday.