Wasaaradda Haweenka Galmudug oo kulan u qabatay haweenka u sharaxan Baarlamaanka labaad

0
326

Dhuusamareeb(Idaacada Waamo)Maamulka Wasaaradda haweenka iyo Xuquuqul insaanka Galmudug ayaa  Kulan Wadatashi ah u qabatay qeybaha Haweenka Galmudug ee doonaya ka Qaybgalka Baarlamaanka labaad, kaas oo had a dhismihiis u uu marayo meel gabo gaba ah.

Kulankaasi waxaa diiradda llagu  saaray sidii haweenka ay door muuqda ugu yeelan lahaayeen Arimaha Siyaasada Galmudug gaar ahaan ka mid noqoshada Golaha Wakiilada Galmudug.

Naciimo Maxamed Catoosh oo sii haye ka ah Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Galmudug ayaa Kulanka oo Laba Ceshe socon doona furtay waxa ayna faah faahin ka bixisay Kulanka iyo waxa uu ku saabsan yahay iyo Doorka Haweenku ku yeelan karaan Arimaha Siyaasada iyagoo Bulshada inteeda kale kaashanaya.
Doodaha ku saabsan in Haweenku ka soo muuqdaan Baarlamaanka ayaa si loo hadal hayey Bilihii aynu ka soo gudubnay waxa ayna mar waliba isku dhiirigaliyaan sidii ay Kaalin muuqata ugu yeelan lahaayeen Dhismaha Maamulka Galmudug iyadoona hada soo xulista Baarlamaanku uu marayo Meeshii ugu dambaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here